5/20/2009

Dilkii Jamaal Mohamed Shirwac ee Norway.

Sidii loo dilay Jamaal oo la xaqiijiyay - Xabad ayuu ku dhuftay isaga oo kujira taksiga gudihiisa. Kadibna 12 xabadood markii uu ka degtay taksiga.

Maxkamad ku taala Norway, Trondheim ayaa sheegtay habkii loo dilay Jamaal Mohamed Shirwac. Jamaal oo uu dilay wiil Norweji ah ayaa ku jiray taxi uu waday Jamaal. Maxkamada ayaa cadaysay in wiilka wax dilay uu marka hore isaga oo ku jira taxiga ku dhuftay jamaal bistoolad isaga oo ka fadhiyay Jamaal dhinca bidix.

Wiilka wax dilay ayaa markaa ka degtay taxiga oo isaga oo taxiga banaankiisa taagan ku dhuftay 12 xabadood. Wiilkii wax dilay ayaa hada waxaa lagu xukumay inuu siiyo 150000 oo Norweji (105000 dollar) xaaskii uu katagay marxuumka iyo 175000 halkii cunugba ilmihii uu ka tagay Jamaal. Jamaal waxuu ka tegay 6 caruur. Waxaa kaloo wiilka Norwejiga ah lagu xukumay in la galiyo isbitaalka dadka maskaxda looga jiro.

Maxkamada ayaa ku kala qaybsantay go'aanka wiilka lagu geeynayo isbitaalka dadka maskaxda looga jiro. Intooda badan ayaa aaminsanaa in hadii la sii daayo wiilka laga cabsi qabo in gaysto dil mar kale.

Qoyska wiilka ayaa aad uga xumaaday go'aanka maxkamada iyagoo rabay in ugu yaraan 23 sano lagu xukumo gacan ku dhiiglaha.
Hadii aad rabtaan war dheeraad ah ee arinkaan ku saabsan, la xiriir Qardho oo degan magaalada Trondheim Norway talefonka: 95172741
Wararka kadhacay Norway kala socda www.xiriiriye.com, email: xassan@xiriiriye.com