
Waxaa la aftuubay taariiqda markey aheyd 27.5.2009 (Arbaco) gabar taajirad ah oo joogtay gurigeeda oo kuyaala xaafada Töölö oo kutaalo Helsinki. Qoyska gabadha dhalay waxay u sheegeen police ka iney gabar ka luntay markey ka soo wareegtay 2 maalin maalintii la afduubay. Waxay sheegeen maalin Sebdi ah iney gabar ka luntay 26 jir ah oo shahaado master ah leh.
Here is the beginning of my post.
Markii hore policeka Finland waxay uqaateen iney tahay gabar caadi isaga maqan, laakiin maalmo kadib dhowr jeer ayey dad ay ka shakiyeen qab qabteen nasiibdarose wey ku guuleysan waayeen iney helaan gabadha la afduubay meel ay jaan iyo cirib dhigtay.
Gabadha la afduubay waxay ka dhalatay qoys aad u taajir ah oo la yiraado reer Herlin, qoyskaas oo ah maalqabeenada leh warshada sameysa wiishashka oo magaceeda la yiraahdo Kone.
Gabadha reer Herlin ee maalqabeenka ah waxaa lagu soo furtay aduundhan oo lacag ah, teleefishinka kanal 4 ee finland warar laga soo xigtay ayaa sheegaya in gabadhaas madax furoshadeeda la bixiyey 10 milyan € ah. Markii lacagta la bixinaayey Waxaa lagu balamay ragga afduubtay gabdha iyo ehelka gabadha hool barkin ah oo kuyaala Turku kadib halkaas ayaa lagu bixiyey lacagtii madax furashada, waxaana halkaas laga heley lacag aad u badan oo 100€ ubadan, kuna daadsan ilinka barkinka laga galo. Waxaa heley lacagtaas dad shicib ah kadibna waxay usheegeen Police ka si ay u baaraan lacagta meesha ay ka timid. Mar laweydiiyey Police ka lacagta cadadkeeda waxay ku jawaabeen waa 30+30 cent oo leysdulsaaray calashaan kuuska lacagta mana sheegin cadad go,an.
Gabadha waxaa lasii daayey jimcihii inasoo dhafaay kadib markey raggii afduubtay qaateen lacagtii ay dalbadeen 12 saacadood kadib. Ilaa iyo hada police ka waxay soo xireen hal qof oo loogaga shakisanyahay inuu ku lug lahaa afduubka loo geystay inantaas. Qofkaas la qabtay dembi horey uma gelin.
sida aan soo xiganay policeka wey ogaayeen qorshaha siideynta, laakiin meysan rabin iney qatar ukeenaan gabadha la aftuubtay. Waxaa fajax iyo amakaag ku dhacay bulshada finishka ah ee inta badan qunyar socodka ah, waayo weligeed kamaysan dhicin Finland fal noocaan oo kale ah ebid.
Hooyada dhashay gabadha la afduubay ayaa qareenkeeda fariin aysoo dirtay usheegey warbaahinta yirina marwo Nurminen ma dooneyso iney wax faah faahin ah ka bixiso wixii dhacay waayo waxay soo mareen dhowr isbuuc oo aad u xanuun iyo adeyg badnaa.
And here is the rest of it.
No comments:
Post a Comment