6/13/2009

Maxaad kala socotaa xaalada dhalinta Somaliyeed?


Dad badan ayaanan ka warqabin xaaladda silic ee ey tahriibtu leedahay, waxaana maanta idinkugu soo badhigeynaa halkan sawiro ka tarjumaya dhalinta Somaliyeed ee badaha iyo saxarada ku dhamaanaya maalinwalna kuwaasoo eynan jirin cid ka damqaneysa amaba aanan war loo hayn xaalada ey ku sugan yihiin.Halka sawiradani laga soo qaaday waa dalka Yemen oo ey badeedu qabto boqolaad Somali ah oo u badan dhalintii dalka la wareegi laheyd beri ka maalin, waxaana ey dhalintani kasoo carareen amaba ey waalidiintoodu uga soo masaafuriyeen Somaliya si aan looga dilin iyo dagaalada jahliga ah ee aan dhamaadka laheyn.


Sida ka muuqata waa dad hada cagta soo dhigay ciida Yemen, waxaa ey kasoo amba-bexeen gobolada Bari ee Somaliya, waxa ey soo raadsadeen nolol dhaanta tan Somaliya taal laakiin waxa ey la kulmeen mid ka daran tii Somaliya.Rafaadka iyo diifta ka muuqata muwaadiniintan Somaliyeed ee waliba ubadka u badan ayaa waxaa loo baahan yahay in ey Somali ka wada damqato, oo ey wax ka badasho dagaalada iyo xabadda ey caadada ka dhigteen ee ey ubadka uga soo qixinayaan dhulkooda hooyo. Maanta waa maalin murugo iyo xusuus ku leh taariikhda Somaliyeed, waxaan isku haysanaa qabiil, waxaan isku haysanaa diin oo waxaan isku haysanaa xaasidnimo.Saan-saantu waxa ey u muuqataa mustaqbalka dhow in la waayo magac iyo dhul Somaliyeed hadii eynan Somaliya sida ey maanta ku jirto wax ka badalin. Cadowga iyo gumeysiga laga cabaadayo iminka wuxuu u muuqdaa mid meel cidla ah ka qaadan doona dhulka iyo qeyraadka Somaliya aakhirkii marka aan inaga isdhameyno oo aan u qeybsano qolo dibada u qaxday, qolo badaha iyo saxarada ku dhamaata iyo qolo aan waxna qorin waxna aqrin oo iyaga dalka loogu yimaado dabadeedna lagu dul habsado.

No comments: