10/30/2013

Tirada Soomaalida degaanka ku ah Finland

 Tirada Soomaalida degaanka ku ah Finland ama Afka Soomaaliga ku hadasho.

Väestö muuttujina Kieli, Ikä, Sukupuoli ja Vuosi
Ikäluokat yhteensä
Sukupuolet yhteensäMiehetNaiset
201220122012
Somali      14 769             7 720             7 049

6/14/2009

Diinlaaweyaasha xayeysiintooda oo firgrado

Diinlaaweyaasha xayeysiintooda oo firgrado isqilaafsan ka dhax abuurtay darawaliinta Muslimka Finland.

Maalmahan ayaa waxa ka socday caasimada Finland Helsinki warar kusaabsanaa in dadka aan diinta laheyn ay rabaan iney sawir xayeysiis ah oo ka turjumaaya diinlaawayaasha lagu dhejiyo basaska ka shaqeeya magaalada dhexdeeda.

Xayeysiiskaas ayaa ah markii la fasiro ilaah majiro, jooji wel welka oo ku raaxeyso nolasha"


Here is the beginning of my post.


Darawaliin farabadan oo muslim ah ayaa ku kala duwan figrada xayeysiiska sawirka buska geeska laga dhejinaayo. Mid ka mid ah ragga wado basaska kashaqeeya Agagaarka caasimada oo sawirkiisa kor ku xusanyahay ayaa yiri xayeysiiska iimageysanaayo wax dhib ah weligeyna dhib dareemimaayo hadii uu ku dhegenyahay xayeysiiska bus aan wado" sidaas waxa yiri Muharrem Kartal.

Darawal kale oo Muslim ah oo ka gaabsaday in la sheego magaciisa ayaa asna yiri, aad baan uga fikir duwanahay kuwa yiri bas ay xayeysiintas ku dhegantahay ayaan wadeynaa, " Anigga wadi maayo bas ay waxaas dhinaca kaga qoranyihiin, waana joojinayaa shaqada ayuu ku jawaabay daralka aan magaciisa sheegin wuxuu kaloo sii raacsiiyey inuu dukado salaadaha asoo shaqadiisa gudanaayo oo uusan wax dhib ah ku qabin shaqada.


Darawalkii markii hore la wareystay Muharrem Kartal oo darawalka kale agtaagan ayaa asna ka bixiyey jawaab darawalka diiday inuu wado gaari ay kuqaranyihiin xayeysiiska diinlaaweyaasha, wuxuuna yiri asigoo hadalkiisi sii wata" Waa ilmanimo oo aadbey u tahay ilmanimo sida uu u hadley darawalka yiri wadimaayo bas xayeysiiska diinlaaweyaasha ku dhegantahay, wuxuu kaloo sii raaciyey " In diinta iyo shaqada ay 2 kala yihiin" Waxaad wadaa bas si aad gurigaga ugeysid rootigii aad cunilaheyd ayuu sii raaciyey" Diin daraadeed maaha ayuu ku daray"


Xayeysiiskaan waxuu asal ahaan ka yimid London, Finland waxaa ka hirgeliyey ururada kala ah ururka sida xurta ah u fekera iyo ururka bini,aadanimada.

Gudoomiyaha ururka kuwa xorta u fekera mrJussi K. Niemelä wuxuu yiri wuu qiyaasay in xayeysiiskaan cusub uu keeni doono muran iyo fikir kala duwnaansho. Mr Jussi oo hadalkiisi sii wata ayaa yiri anniga fikir ahaan waxaan qabaa shirkadaha basaska iney diyaariyaan basas aysan ku qorneyn xayeysiiskaas, si qofkii diidaa inuu wado basaska xayeysiiska diinlaaweyaasha ku dhegenyihiin ay u helaan basas ay wadi karaan, ayagoon diintooda la dhaawicin.
Aqristow sikastaba arinta ha ahaatee waxaa la arki doonaa xayeysiiskaas wiiga soo soxda markii laga gudbo xaflada juhanuska ay yiraahdaan Finishka.
Fg: wixii aad figrad ka qabtit arintaan hoos inoogu dhaaf feedback adoo mahadsan.

And here is the rest of it.

6/13/2009

Gabar Finish maalqabeen ah oo la afduubay.


Waxaa la aftuubay taariiqda markey aheyd 27.5.2009 (Arbaco) gabar taajirad ah oo joogtay gurigeeda oo kuyaala xaafada Töölö oo kutaalo Helsinki. Qoyska gabadha dhalay waxay u sheegeen police ka iney gabar ka luntay markey ka soo wareegtay 2 maalin maalintii la afduubay. Waxay sheegeen maalin Sebdi ah iney gabar ka luntay 26 jir ah oo shahaado master ah leh.

Here is the beginning of my post.

Markii hore policeka Finland waxay uqaateen iney tahay gabar caadi isaga maqan, laakiin maalmo kadib dhowr jeer ayey dad ay ka shakiyeen qab qabteen nasiibdarose wey ku guuleysan waayeen iney helaan gabadha la afduubay meel ay jaan iyo cirib dhigtay.

Gabadha la afduubay waxay ka dhalatay qoys aad u taajir ah oo la yiraado reer Herlin, qoyskaas oo ah maalqabeenada leh warshada sameysa wiishashka oo magaceeda la yiraahdo Kone.


Gabadha reer Herlin ee maalqabeenka ah waxaa lagu soo furtay aduundhan oo lacag ah, teleefishinka kanal 4 ee finland warar laga soo xigtay ayaa sheegaya in gabadhaas madax furoshadeeda la bixiyey 10 milyan € ah. Markii lacagta la bixinaayey Waxaa lagu balamay ragga afduubtay gabdha iyo ehelka gabadha hool barkin ah oo kuyaala Turku kadib halkaas ayaa lagu bixiyey lacagtii madax furashada, waxaana halkaas laga heley lacag aad u badan oo 100€ ubadan, kuna daadsan ilinka barkinka laga galo. Waxaa heley lacagtaas dad shicib ah kadibna waxay usheegeen Police ka si ay u baaraan lacagta meesha ay ka timid. Mar laweydiiyey Police ka lacagta cadadkeeda waxay ku jawaabeen waa 30+30 cent oo leysdulsaaray calashaan kuuska lacagta mana sheegin cadad go,an.


Gabadha waxaa lasii daayey jimcihii inasoo dhafaay kadib markey raggii afduubtay qaateen lacagtii ay dalbadeen 12 saacadood kadib. Ilaa iyo hada police ka waxay soo xireen hal qof oo loogaga shakisanyahay inuu ku lug lahaa afduubka loo geystay inantaas. Qofkaas la qabtay dembi horey uma gelin.

sida aan soo xiganay policeka wey ogaayeen qorshaha siideynta, laakiin meysan rabin iney qatar ukeenaan gabadha la aftuubtay. Waxaa fajax iyo amakaag ku dhacay bulshada finishka ah ee inta badan qunyar socodka ah, waayo weligeed kamaysan dhicin Finland fal noocaan oo kale ah ebid.


Hooyada dhashay gabadha la afduubay ayaa qareenkeeda fariin aysoo dirtay usheegey warbaahinta yirina marwo Nurminen ma dooneyso iney wax faah faahin ah ka bixiso wixii dhacay waayo waxay soo mareen dhowr isbuuc oo aad u xanuun iyo adeyg badnaa.



And here is the rest of it.

Maxaad kala socotaa xaalada dhalinta Somaliyeed?


Dad badan ayaanan ka warqabin xaaladda silic ee ey tahriibtu leedahay, waxaana maanta idinkugu soo badhigeynaa halkan sawiro ka tarjumaya dhalinta Somaliyeed ee badaha iyo saxarada ku dhamaanaya maalinwalna kuwaasoo eynan jirin cid ka damqaneysa amaba aanan war loo hayn xaalada ey ku sugan yihiin.Halka sawiradani laga soo qaaday waa dalka Yemen oo ey badeedu qabto boqolaad Somali ah oo u badan dhalintii dalka la wareegi laheyd beri ka maalin, waxaana ey dhalintani kasoo carareen amaba ey waalidiintoodu uga soo masaafuriyeen Somaliya si aan looga dilin iyo dagaalada jahliga ah ee aan dhamaadka laheyn.

6/12/2009

Taageerayaasha Ruushka oo Helsinki qabsaday


Waxaa maalintii arbacada ahayd ka dhacay garoonka weyn ee olembig stadium ee Helsinki ciyaar xiiso badan oo dhax martay 2 da xul ee Finland iyo Rusia isreeb reebka koobka aduunka ee markii ugu horeysey lagu qaban doono koonfur Africa 2010.

Waxaa centerka Helsinki soo buuxdhaafiyey taageerayaal ka yimid Rusia oo rabshado ka sameeyey Helsinki. Waxaa ugu yaraan ku dhaawacwamay isku dhaca 2 da xul 6 ruux oo dhaawacyo fudud soo gaareen. Maalintii arbacada ahayd ee la soo dhaafay waxay ahayd maalin taariiqi ah waayo weligeed ma dhicin in taageerayaal lixaad leh ay Finland yimaadaan oo hadana police ay Helekobtar kor kaga waardiyeynaayeen taageerayaasha aydoo policeka loogu talagalay mudaaharaadyada oo qalabkooda wato la si buuxdo loo howl geliyey.

Nasiibxumo waxaa laga raayey xulkii martida loo ahaa ee Finland waxaa loogaga badiyey 3>0
Sidii ay poclice ka ay qiyaasaayeen ciyaarta kadib ma dhicin wax rabshado ah maadaama ay xulka Rusia raayeen, sidaas daraadeed taageerayaasha Rusia farxad awgeed waxay u dareersadeen hoteladooda.

Waxaa ciyaarta ka soo qeyb galay ninka iska leh kooxda Chelsea, iyo wafuud caan ka ah bahda isboortiga.

Qore keynan