Diinlaaweyaasha xayeysiintooda oo firgrado isqilaafsan ka dhax abuurtay darawaliinta Muslimka Finland.Maalmahan ayaa waxa ka socday caasimada Finland Helsinki warar kusaabsanaa in dadka aan diinta laheyn ay rabaan iney sawir xayeysiis ah oo ka turjumaaya diinlaawayaasha lagu dhejiyo basaska ka shaqeeya magaalada dhexdeeda.
Xayeysiiskaas ayaa ah markii la fasiro ilaah majiro, jooji wel welka oo ku raaxeyso nolasha"
Here is the beginning of my post.
Darawaliin farabadan oo muslim ah ayaa ku kala duwan figrada xayeysiiska sawirka buska geeska laga dhejinaayo. Mid ka mid ah ragga wado basaska kashaqeeya Agagaarka caasimada oo sawirkiisa kor ku xusanyahay ayaa yiri xayeysiiska iimageysanaayo wax dhib ah weligeyna dhib dareemimaayo hadii uu ku dhegenyahay xayeysiiska bus aan wado" sidaas waxa yiri Muharrem Kartal.
Darawal kale oo Muslim ah oo ka gaabsaday in la sheego magaciisa ayaa asna yiri, aad baan uga fikir duwanahay kuwa yiri bas ay xayeysiintas ku dhegantahay ayaan wadeynaa, " Anigga wadi maayo bas ay waxaas dhinaca kaga qoranyihiin, waana joojinayaa shaqada ayuu ku jawaabay daralka aan magaciisa sheegin wuxuu kaloo sii raacsiiyey inuu dukado salaadaha asoo shaqadiisa gudanaayo oo uusan wax dhib ah ku qabin shaqada.
Darawalkii markii hore la wareystay Muharrem Kartal oo darawalka kale agtaagan ayaa asna ka bixiyey jawaab darawalka diiday inuu wado gaari ay kuqaranyihiin xayeysiiska diinlaaweyaasha, wuxuuna yiri asigoo hadalkiisi sii wata" Waa ilmanimo oo aadbey u tahay ilmanimo sida uu u hadley darawalka yiri wadimaayo bas xayeysiiska diinlaaweyaasha ku dhegantahay, wuxuu kaloo sii raaciyey " In diinta iyo shaqada ay 2 kala yihiin" Waxaad wadaa bas si aad gurigaga ugeysid rootigii aad cunilaheyd ayuu sii raaciyey" Diin daraadeed maaha ayuu ku daray"
Xayeysiiskaan waxuu asal ahaan ka yimid London, Finland waxaa ka hirgeliyey ururada kala ah ururka sida xurta ah u fekera iyo ururka bini,aadanimada.
Gudoomiyaha ururka kuwa xorta u fekera mrJussi K. Niemelä wuxuu yiri wuu qiyaasay in xayeysiiskaan cusub uu keeni doono muran iyo fikir kala duwnaansho. Mr Jussi oo hadalkiisi sii wata ayaa yiri anniga fikir ahaan waxaan qabaa shirkadaha basaska iney diyaariyaan basas aysan ku qorneyn xayeysiiskaas, si qofkii diidaa inuu wado basaska xayeysiiska diinlaaweyaasha ku dhegenyihiin ay u helaan basas ay wadi karaan, ayagoon diintooda la dhaawicin.
Aqristow sikastaba arinta ha ahaatee waxaa la arki doonaa xayeysiiskaas wiiga soo soxda markii laga gudbo xaflada juhanuska ay yiraahdaan Finishka.
Fg: wixii aad figrad ka qabtit arintaan hoos inoogu dhaaf feedback adoo mahadsan.
And here is the rest of it.







